Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta kulan kula qaatay magaaladda Caasimadda ah ee Muqdisho danjiraha Dalka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mehmet Yilmaz.
Madaxweyne Axmed Qoorqoor iyo danjiraha ayaa ka wada hadlay saameynta abaaraha ku yeelatay bulshada & deegaanadda Galmudug iyo sidii Dowladda Turkiga gacan uga geysan laheed dadka iyo duunyada ay saameysay.
Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa Safiirka Turkiga uga mahadceliyay taageerada Turkiga uu siiyo dowladda Federaalka Soomaaliya, taasi oo ku saleysan dhinacyo kala duwan.
Axmed Qoorqoor ayaa weli ku sugan magaaladda Caasimadda ah ee Muqdisho, isla markaana waxaa uu kulamo kala duwan la qaadanayaa qaar kamid ah Wakiilada Beesha Caalamka, isagoo kala hadlaya Gurmadka Abaaraha iyo doorashooyinka Golaha Shacabka.