Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa kulan kula qaatay Aqalka Madaxtooyada Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Wasiirka Maaliyadda, Taliyaasha Ciidamada, Guddoomiyeyaasha Gobolada Mudug iyo Galgaduud iyo qaar kamid ah maamulada degmooyinka Galmudug.
Kulanka ayaa waxaa looga hadlay qorshaha sanadlaha ee kobcinta dowladaha hoose, horumarka laga sameeyay dowladaha hoose iyo sidii loo dhamaystiri lahaa.
Inta uu socday kulanka ayaa waxaa uu Madaxweyne Axmed Qoorqoor uu Taliyeyaasha ciidamada uga dhageystay Warbixin ku aadan xaaladda amni ee Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka iyo guud ee deegaanada Maamulka.
Madaxweynaha ayaa ugu danbayna kula dardaarmay Wasaaradda Arimaha Gudaha in ay xoojiso dadaalada loogu jiro fulinta qorshaha horyaalla Wasaaradda oo ay ugu horayso dhamaystirka golayaashaa deegaanka.