Madaxweyne Axmed Qoorqoor iyo Qaramada Midoobay oo Maanta heshiis kala saxiixday

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta heshiis dhul loogu asteeyay Xafiiska Qaramada Midoobay la saxiixday kusimaha Ergeyga Gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Kiki Gbeho.

Munaasabadda Saxiixa heshiiskaan oo ka dhacday Qasriga Madaxtooyada Galmudug ayaa waxaa goob joog ahaa xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Galmudug, Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud iyo maamulka caasimadda.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay booqashada wafdiga ay hogaamineyso Ku simaha Ergeyga Gaarka ah iyo sida ay Qaramada Midoobay uga go’antahay inay xarun rasmi ah ka sameysaan caasimadda Dhusamareeb.

Ugu danbeyntii, Madaxweynaha Galmudug iyo ku simaha Ergeyga gaarka ah ayaa beeray geedo astaan u ah dhireynta Galmudug cagaaran mustaqbalka dhow.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor