Madaxweyne Axmed Qoorqoor iyo Lafta-gareen oo soo gaaray Magaalada Muqdisho

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo wafdi uu hoggaaminayey oo ka yimid Magaalada Baydhabo ayaa galabta soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa u yimid Muqdisho ka qeyb galka Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo ka furmaya Caasimadda dalka, kaasi oo Madaxda maamulada isugu yeeray Madaxweyne Xasan Sheekh.

Shirka ayaa waxaa looga arrinsan doonaa arrimmo ay ka mid yihiin wadashaqeynta labada heer ee dowladda Federaalka ah, dadaallada ladagaalanka Al-shabaab, abaaraha iyo arrimo kale oo hortabin u leh dowlaad dhiska Soomaaliya.

Dhinaca kale waxaa Caawa isna Muqdisho soo gaaray Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, kaasi oo ka qeyb galaya Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo ka furmaya Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Madaxweyneyaasha Maamulada Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa duhurnimadii Maanta soo gaaray Muqdisho, waxaana haatan maqan oo kaliya Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor