Madaxweyne Axmed Madoobe oo Warbixin siiyay Golaha Wasiirada Jubbaland

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa maanta shir gudoomiyey kulanka golaha wasiirada oo ka qabsoomay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Madaxweynaha ayaa  golaha wasiirada oga warbixiyey xaalada guud ee amniga, arimaha abaaraha oo guud ahaan si siman u sameeysay dhamaan dadka Jubbaland  iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed, iyadoo Jubaland ay wado gurmad baxaad leh.

Wasaaradda Caafimadka iyo Daryeelka Bulshada Jubaland, waxa ay warbixin guud ka bixisay xaaladda isbitaalada Kismaayo, Dhoobley iyo Ceelwaaq, shirweynaha caafimadka oo sanadkii 5-aad oo xiriir ah wasaaraddu qabatay ayuu wasiirka oga warbixiyey golaha wasiiradda kaas oo qiimayn lagu samaynayay shaqada Wasaarada iyo adeega ay u hayso bulshada.

Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha Jubbaland ayaa golaha warbixin ka siisay abuurista wakaaladaha biyaha iyo korontada, waxaa ayna golaha wasiiradda u qaybisay sharciga lagu dhisayo wakaalada. Wasaaradda arrimaha gudaha, Federaalaynta iyo dib u heshiisiinta Jubaland ayaa ka  war bixisay dhismaha Dowladdaha hoose ee Ceelwaaq iyo mashaariicda Degmada Afmadow.

Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha Jubaland waxa ay soo gudbisay labo sharci oo kale ah.

B- Sharciga Shaqaalaha aan Dowladiga aheyn.

T- Sharciga Shaqaalaha ajaaniibta ah ama shisheeye.

Sharciyadan ayey goluhu soo eegi doonan iyadoo todobaadka xiga shirka golaha wasiiradda lagu  ansixin doono.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor