Madaxweyne Axmed Madoobe oo Mareykanka kala hadlay Dagaalka Al-Shabaab

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo ku sugan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa kulamo kala duwan la qaatay xubno ka tirsan Wakiilada Beesha Caalamka.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Marwo Tiina Intelmann. Kulanka ayaa looga hadlay tageerada ay Midowga Yurub ku bixiso dib u dhiska Dalka iyo mashariicyada kale duwan ee ay ka fuliyaan deegaanada Jubaland kuwaa oo ay ugu horeeyaan Arimaha amaanka iyo hormarinta deegaanka.

Midowga Yurub ayaa sidoo kale Jubaland ka tageeraya dhismaha golayaasha Deegaanka oo afar degmo oo kamid ah dhawaan la bilaabayo.

Sidoo kale Madaxweynaha Jubbaland ayaa kulan kale la yeeshay ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Marwo Anita Kiki Gbeho, iyaga oo ka wada hadlay dhamaystirka golayaasha Deegaanka Jubaland iyo tageerada mashariicda kala duwan ee ka socda Jubaland.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa waxa uu kulan la ku xigeenka Safiirka  Dowladda Maraykanka u fadhiya Soomaaliya ahna ku simaha Safiirka Tim Trenkle iyo qaar kamid ah saraakiisha Ciidamada AFRICOM ee ka howgala Soomaaliya.

Kulanka ayaa lagaga hadlay tageerada Dowlada Maraykanka ee dhinacyada kala duwan gaar ahaan dagaalka  Al-shabaab iyo howlgalka ay Ciidamada Jubaland ka wadaan deegaanada kala duwan ee Jubaland.

Sidoo kale Waxaa Kulanka lagaga hadlay tageerada Dowlada Maraykanka ee dhismaha golayaasha Deegaanka oo afar Degmo oo kamid ah Jubaland dhawaan laga qaban doono doorashooyinka golaha Deegaanka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor