Madaxweyne Axmed Madoobe oo Maanta Booqday Ciidamo ku sugan furimaha hore

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa maanta booqasho iyo salaan ugu tagay munaasabada ciida awgeed Ciidamada darawiishta Jubaland ee ku sugan jiida hore.

Madaxweynaha ayaa booqashadan uga gol lahaa si farxada ciida uu ula qaybsado Ciidamada ku sugan jiida hore ee aan farxada ciida la qaadanaynin xaasaskooda iyo Caruurtooda waajibaadka qaran ee saaran darteed.

“Sarakiisha Iyo Ciidamada waxaa iiga muuqatay dhiiranan iyo adkaysi badan. Waxaan anaga iyo Dowlada Federaalka ah si wadajir ah uga shaqayn doona sidii loo bilaabi lahaa howlgalo midaysan taas oo ah wadada kaliyah ee lagaga guulaysan karo argagixisada” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

Waxaa Madaxweynahu uu sheegay in Dowlada Federaalka ah iyo Jubaland ay si wadajir ah uga shaqaynayaan howlgalo midaysan oo Al-shabaab lagaga saarayo deegaanada ay wali ku harsan yihiin si culayska looga dulqaado dadka shacabka ah.

About Webmaster

View all posts by Webmaster
%d bloggers like this: