Madaxweyne Axmed Madoobe oo kulan la yeeshay wafdi ka socday Dowladda Federaalka

Madaxweynaha dowlad Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Maxamed Macalin Cabdulle.

Kulanka waxaa qayb ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Jubbaland Axmad Xassan Cumar iyo masuuliyiin kale.

Intii kulanku socday waxaa laga wada hadlay sidii Jubbaland looga hirgalin lahaa xarunta Qaran ee Gurmadka deg dega ah taas oo maanta la dhagax dhigay iyo sidii deegaanada Shabaab laga xoreenayo loo gaarsiin lahaa gurmad iyo gargaar raashin iyo daawo ah.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor