Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa Maanta waxaa gaaray wafdi ay hoggaamineysay Safiirka Dowlada Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya Kate Foster, waxaana halkaas kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland.
Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, ayaa aqalka martida ee Kismaayo kulan kula yeeshay Safiirka Dowlada UK ee Soomaaliya Kate Foster, iyo wafdi ay hogaaminayso.
Kulanka ayaa lagaga hadlay xaalada abaaraha iyo saamaynta ay ku yeesheen dadka ku nool deegaanada qaar, Jubbaland ayaa bilihii lasoo dhaafay gurmad baaxad leh ka samaysay abaaraha iyadoo kaalmo kala duwan gaarsiisay dadka ay dhibaatadu gaartay.
Kulanka ayaa sidoo kale lagaga hadlay arimaha doorashooyinka Golaha shacabka oo qaybo badan oo dalka kamid ah kasocda.
Waxaa kulanka ka Madaxweynaha ku wehelinayay Wasiir ku-xigeenka Wasaarada qorshaynta iyo xiriirka Caalamiga ah Maxamed Cumar Jaamac, Cabdiraxmaan Cabdi Axmad wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka iyo Axmed Xuseen Baraki, wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha.