Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo maalmihii lasoo dhaafau ku sugnaa Magaalada Muqdisho ayaa Maanta dib ugu laabtay Magaalada Kismaayo.
Madaxweynaha ayaa Caasimadda dalka ee Muqdisho uga qeyb galay shirkii madasha wadatashiga Qaran ee maalmo kahor Madaxda dowladda iyo kuwa dowlad Goboleedyada ay heshiis uga wada gaareen khilaafkii doorashada.
Sidoo kale Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa inta uu ku sugnaa Magaalada waxaa uu kulamo kala duwan la qaatay Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha, Guddoomiyaha Aqalka Sare, siyaasiyiin iyo xubno ka tirsan Beesha Caalamka.
Kulamadaas ayaa dhammaantood ahaa kulamo lagu doonayay in xal buuxa looga gaaro khilaafkii muddo ku dhow sanad hareeyay doorashada dhaceysa, waxaana ugu dambeyn Madaxda dowladda iyo kuwa maamulada ay heshiis rasmi ah ka gaareen doorashada dalka.
Garoonka diyaaradaha Kismaayo ayaa waxaa Madaxweyne Axmed Madoobe kusoo dhaweeyay Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland, Xildhibaano, Wasiiro ka tirsan maamulkiisa iyo qeybaha kala duwan, isagoo ka mahadceliyay soo dhaweynta loo sameeyay.