Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ay ka duulaan wefdi ay kala hogaaminayaan madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasann Sheikh Maxamuud iyo madaxweynihii dowladdii KMG aheyd Shekh Shariif Shekh Axmed.
U jeeduada safarkooda ayaa la xiriira ka qeybgalka caleema saarka madaxweynaha Jubbaland kaas oo lagu wado in maalinta berrito ah uu ka dhaco Kismaayo,wefdigaan ayaana ka kooban madaxweynayaal hore Xildhibaano iyo siyaasiyiin kale.
Dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaadday in aysan aqoonsanayn natiijadii ka soo baxday doorashooyinkii ak dhacay magaalada JKismaayo gaar ahaanna tii uu ku soo baxay madaxweynaha haatan talada haya ee Jubbaland Axmed Maxamed Islam Axmed Madoobe.