Wafdi uu Hogaaminaayo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmajo ayaa Gor dhow ka soo dagay garoonka diyaaraha ee Magalada Cadaado Halkaasi oo uu ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Dowlada Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo sarakiil ka tirsan madaxtooyada Galmudug.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ka qeybgeli doona Xaflada Caleemo-Saarka Madaxweynaha Galmudug oo goordhow Cadaado ka dhaceysa.
Madaxweynaha ayaa hadda loo galbiyay xarunta Madaxtooyada Halkaasi oo xilligaani ay ka socoto xaflada caleema saarka Madaxweynaha Galmudug.