Madaxweynaha Somaliland oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ku sugan Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Itoobiya ayaa waxaa uu kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha dowladda Itoobiya Abiy Axmed.

Madaxweyne Muuse Biixi iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa waxaa ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka ka dhexeeya labada dhinac iyo Arrimo ay kamid yihiin Iskaashiga dhinaca Ganacsiga.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Ciise Kayd ayaa sheegay waxaa uu sheegay in kulanka dhexmaray labada dhinac diirada lagu saaray Isticmaalka Dekadda Berbera oo ay Itoobiya dooneyso inta badan shixnadaha Jabuuti uga yimaadda inay dhanka Ber Bera soo mariso.

Sidoo kale Wasiir Dr Ciise Kayd ayaa intaas kusii daray in Madaxweynaha Somaliland iyo wafdigiisa ay kulamo kale la qaadan doonaan Safiiro ku sugan Addis Ababa iyo mas’uuliyiin kale oo ay kala hadlayaan Arrimo la xiriira Somaliland.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor