Madaxweynaha Somaliland oo kulan la qaatay Madaxweynaha Jabuuti

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo safar shaqo ku jooga dalka Jabuuti ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo qasriga madaxtooyada Jabuuti ku qaabiley.

Madaxweynaha Somaliland markii uu ka degay Garoonka Jabuuti ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Wasiirka Wasaaradda Biyaha, Beeraha, Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga ee Jabuuti Maxamed Axmed Cawaale (Maxamed Soomaali) oo ay wehelinayaan masuuliyiin sar-sare oo ka tirsan dalka Jabuuti.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, iyagoo ka wada hadlay xoojinta labada dhinac, waxa kale oo kulankaasi lagu soo qaatay sidii horeba ay labada dhinac isaga kaashan jireen ka war haynta iyo la socodka arrimaha nabadgelyada mandaqada.

Waxaana kulankaa labada madaxweyne ku wehelinaayey wasiirrada Arrimaha dibeda Somaliland iyo Jabuuti, Yaasiim Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), Maxamuud Cali Yuusuf iyo Mudane Maxamed Axmed Cawaale (Maxamed Soomaali) wasiirka Biyaha, Beeraha, Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga ee Jabuuti.

Ugu danbayn Safarka Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo weftigiisu ay ku joogaan Dalka Jabuuti ayaa ah safar shaqo oo qaadan doona maalmo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media