Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Somaaliya waxaa goordhow ka duulay Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Somaaliya Maxamed Cabdulaahi(Farmaajo) Â iyo Wafdi uu hoggaaminayo isagoo ku sii jeeda Caasimadda dalka Sucuudi Carabiya ee Magaaladsa Riyad.
Madaxweyne Farmajo,ayaa dalka sucuudi Carabiya kaga qeybgeli doona shirka Wadamada Jaamacadda Carabta iyo Mareykanka oo Maanta ka furmya Magaalada Riyad ee dalkaasi Sucuudiga.
Shirkaan ayaa waxaa ka qeyb galaya inta badan hoggaamiyeyaasha dalalka Islaamka iyo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.,waxana lafilayaa in Trump uu khubad dhinacyo badan taabaneysa uu u jeediyo in ka badan 40 Hoggaamiye oo ka tirsan Wadamada Jaamacadda Carabta.
Madaxweyne Trump,oo shalay gaaray Magaalada Riyad ayaa la kulmay hoggaamiyaasha dalalka Scuuudiga iyo Urdun,isagoo kala hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka ka dhaxeeyay dalalka Wadamada Jaamacadda Carabta iyo kan Mareykanka.
Dhanka kale Warar kale ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somaaliya Maxamed Cabdulaahi(Farmaajo)  laga yaabo in uu  Riyad kula kulmo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.