Madaxweynaha Puntland oo kulan la yeeshay Safiirka Turkiga iyo wafdi la socday

Safiirka Dowladda Turkiga ee Soomaaliya  Ibrahim Mete Yagli iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay ku jiraan Masuuliyiinta Shirkadda Turkiga (TTN) ee dhistay Dekadda Garacad ayaa gaaray magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dowladda Turkiga ee Soomaaliya  Ibrahim Mete Yagli iyo wafdiga la socday.

Safiirka Turkiga iyo Wafdiga la socda ayaa booqday Dekadda Garacad, si ay usoo arkaan shaqada halkaasi ka socota iyo meesha uu maraya Dhismaha Dekadda oo ah mashruucii ugu weynaa ee isku tashi ee Dalka ka hirgala.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Wasiirada Maaliyadda, Ganacsiga, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada, Lataliyeyeyaal Madaxweyne iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor