Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed Maxamed Nuur Maxamed Macalin iyo wafdi uu hoggoominayo oo halkaas gaaray.
Madaxweyne Saciid Deni iyo Guddoomiye Maxamed Nuur Maxamed ayaa iska xog-wareystay xaaladihii ugu dambeeyay labada maamul iyo xoojinta heshiiyada labada dhinac.
Saciid Cabdullaahi Deni oo Qoraal soo saaray ayuu sheegay in Puntland iyo Koonfur Galbeed uu ka dhexeeyo xiriir iskaashi  oo dhinac walba ah, waxaana bogaadiyay horumarinta iskaashiga iyo wadashaqeynta Baarlamaanada labada maamul.
“Runtii Puntland iyo Koonfur Galbeed waxaa ka dhexeeya xiriir iskaashi oo dhinac walba ah, waxaana bogaadinaya horumarinta iskaashiga iyo wadashaqeynta Baarlamaanada labada maamul†ayuu yiri Madaxweyne Deni.
Kulanka ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehlinaayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, labada guddoomiye ku-xigeen iyo Mas’uuliyiin kale.
Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed iyo wafdi Xildhibaano ah ayaa Maanta Magaalada Garoowe uga qeyb galay furitaanka Kal-fadhiga 47-aad ee Baarlamaanka dowlad Goboleedka Puntland.