• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Saturday, May 17, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Sawiro:Madaxweynaha Puntland oo ku soo laabtay Magaalada Garoowe

Bilan Media by Bilan Media
May 27, 2017
in Warar
Reading Time: 6 mins read
A A
1
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta 27 May 2017 dalka dib ugu soo laabtay kana soo degey magaalada Garoowe ee caasimada Dawladda Puntland, halkaasi oo si diiran loogu soo dhoweeyey isaga iyo weftigiisa.

Madaxweynaha iyo weftiga balaadhan ee uu hogaaminayo ayaa waxaa garoonka diyaarada Kanooko ee  magaalada Garoowe kusoo dhoweeyey Madaxweyne kuxigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey, gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland mudane Axmed Cali Xaashi iyo kuxigeenadiisa, Maamulka degmada Garoowe, Masuuliyiin ka tirsan goloyaasha dawladda Puntland, saraakiisha ciidamada Puntland, saraakiil  ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland iyo qaar kamida bulshada caasimada.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaaugu horayn ummaada muslinka ah, shacabka Soomaaliyeed iyo bulshada reer Puntlandba meelkastay joogaan  ugu hanbalyeeyey bisha barakaysan ee Ramadaan, waxaana uu Illahay u weydiiyey ummadiisa inuu u denbi dhaafo Ramadaankana khayrkeeda waa fajiyo, waxaana uu madaxweynuhu ka hadlay muhiimada shirkii London oo looga hadlayey rimo la xidhiidha Soomaaliya.

‘’Saad la socoteenba ama aan hore u sheegay waxaan tagnay shirkii London oo laysugu yeedhay Soomaalida, waxaa ugu muhiimsanaa ee laga wadda hadlayna waxay ahaayeen nabad gelyada iyo xasiloonida dalka sidii wax looga bedeli lahaa, go’aamo waxaa jirey bishii April 17 2017 lagu qaatay Xamar oo ku saab sanaa qaab dhismeedka ciidanka qaranka iyo sidii loo helilahaa ciidan leh subad qaran oo dalka dibed iyo gudoba ka difaacikara cadawga, arrintaasi waxbaa lasyka yiri, waxabaana lasyku raacay, dabeedna shirka London waxay ahayd in laga wada hadlo qaabkii loo hirgelin lahaa dawladda Soomaliyeedna looga taageerilahaa arrintaa iyadda ah, muhiimada shirku intaas ayay ahayd wixii kale oo soo raacana waxay ahayd arrimaha dhaqaalaha iyo shaqa abuurista bulshada Soomaaliyeed’’. Ayuu yiri Madaxweynaha dawladdda Puntland.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in shirkii London kadib ay lagama maarmaan noqotay in waxkhti lala qaato qurba joogta reer Puntland ee ku dhaqan qaaradda Europe, waxaana uu sheegay madaxweynuhu in qurba joogtu ay dalka waxbadan tarto kuno soo kordhiso, isla markaana ay xaq u leeyihiin in looga warro wacyiga dalka maanta yaala.

‘’Fursad baynoo ahayd anaga ka Puntland ahaan inaan Europe joogno oo wakhti laqaadano qurba joogtayada, muhiimada aanu u aadnayna halkaasi qayb bay ka ahayd inaanu soo arragno,  waxa badan bay qurba joogtu dalka tartaa ,waana u baahan yihiin in looga waramo dalkooda, loogana waramo waxa dalka ka jira dhib iyo dheefba, horumarka socda, caqabadaha iyo dhibaatooyinka jira, in lootago oo loo waramo muhiim baynala ahayd, iyagana aanu waraysano, aaraar bay qabaan, fekeray hayaan wadanka khuseeya muhiimna way tahay inaanu uga xog warano’’ ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in ay kulamo la qaateen hay’addo caalamiya oo isugu jira kuwo u baahan maalgashi iyo kuwo daneeya arrimaha bulshada, waxaana uu sheegay inay kawada hadleen arrimo la xidhiidha shaqooyinkooda.

Madaxweyne kuxigeenka Dawladda Puntland Egn. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey ayaa dhankiisa kusoo dhoweyey dalka Madaxweynaha iyo weftiga uu hogaaminayey waxaana uu sheegay in dalku xasiloon yahay, isla markaana ay kajirto nabad gelyo buuxda, sidoo kale waxaa uu tacsi u diray eheladii iyo qaraabadii ay ka baxeen in tii ku nafweydey shaqaaqadii ay ka geysteen cadawga Puntland magaalada Boosaaso.

Dhinaca kale Madaxweynaha Dawladdda Puntland ayaa isna sidoo kale ka tacsiyey intii ku geeriyootey dhibtii ay geesteen waxma garatada liita ee cadawga Soomaaliyeed, waxaana uu u tacsiyeeyey eheladii, qarabadadii iyo ciyaalkii ay ka baxeen dadkaasi.

Ugu Danbayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu baaqay dadka walaalaha ah ee ku dagaalamaya deegaanadda hoosyimaada degmada Buurtinle inay joojiyaan shidada iyo dhibaatada, isla markaana ay kawada shaqeeyaan nabada, xasiloonida iyo deris wanaaga.

–DHAMMAAD—

Previous Post

Diyaaradda Turkish Airlines oo markale ka degi weysay Garoonka diyaaradaha Muqdisho

Next Post

Kooxda Daacish oo sheegatay Masuuliyada weerar lagu dilay 28 Qof

Bilan Media

Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Related Posts

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Maalinta Aqbalaadda Caalamiga ah si loo Dhiirrigeliyo Ka-qaybgalka Dhijitaalka ee loo dhan yahay
Warar

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Maalinta Aqbalaadda Caalamiga ah si loo Dhiirrigeliyo Ka-qaybgalka Dhijitaalka ee loo dhan yahay

May 17, 2025
Xasan Sheekh oo Khudbad Ka Jeediyay Shirka Jaamacadda Carabta ee Baqdaad
Warar

Xasan Sheekh oo Khudbad Ka Jeediyay Shirka Jaamacadda Carabta ee Baqdaad

May 17, 2025
Xal u Helidda Qaza oo Qodob Muhiim ah ka ah Shirka Jaamacadda Carabta oo ay somaliya ka qeyb galeyso
Caalamka

Xal u Helidda Qaza oo Qodob Muhiim ah ka ah Shirka Jaamacadda Carabta oo ay somaliya ka qeyb galeyso

May 17, 2025
Ciidamada Xoogga iyo Daraawiishta K/Galbeed oo Howlgal Ka Fuliyay Baraawe Duleedkeeda
Warar

Ciidamada Xoogga iyo Daraawiishta K/Galbeed oo Howlgal Ka Fuliyay Baraawe Duleedkeeda

May 17, 2025
Dhimasho iyo Dhaawac Ka Dhashay Qarax Ka Dhacay Meel u Dhow Garoonka Baraawe
Warar

Dhimasho iyo Dhaawac Ka Dhashay Qarax Ka Dhacay Meel u Dhow Garoonka Baraawe

May 17, 2025
Dagaal Culus oo Xalay Ka Dhacay Deegaanno Ka Tirsan Shabeellaha Dhexe
Warar

Dagaal Culus oo Xalay Ka Dhacay Deegaanno Ka Tirsan Shabeellaha Dhexe

May 17, 2025
Next Post

Kooxda Daacish oo sheegatay Masuuliyada weerar lagu dilay 28 Qof

NCA Hosts Universal Acceptance Day to Promote Digital Inclusion

NCA Hosts Universal Acceptance Day to Promote Digital Inclusion

by Dalsan Editor
May 17, 2025
0

Mogadishu, Somalia – 17 May 2025 – The National Communications Authority (NCA) hosted a full-day training and adoption event in...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Maalinta Aqbalaadda Caalamiga ah si loo Dhiirrigeliyo Ka-qaybgalka Dhijitaalka ee loo dhan yahay

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Maalinta Aqbalaadda Caalamiga ah si loo Dhiirrigeliyo Ka-qaybgalka Dhijitaalka ee loo dhan yahay

by Dalsan Editor
May 17, 2025
0

Muqdisho, Soomaaliya – 17 May 2025 – Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay munaasabad wacyigelin iyo tababar...

Xasan Sheekh oo Khudbad Ka Jeediyay Shirka Jaamacadda Carabta ee Baqdaad

Xasan Sheekh oo Khudbad Ka Jeediyay Shirka Jaamacadda Carabta ee Baqdaad

by Ilhaan
May 17, 2025
0

 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khudbad muhiim ah ka jeediyey meertada 34-aad ee shir-madaxeedka Jaamacadda Carabta...

Uganda’s Deputy Army Chief Arrives in Mogadishu to Boost Military Cooperation Amid AUSSOM Security Challenges

Uganda’s Deputy Army Chief Arrives in Mogadishu to Boost Military Cooperation Amid AUSSOM Security Challenges

by Liban
May 17, 2025
0

MOGADISHU, Somalia – Uganda's Deputy Chief of Defence Forces, Lt. Gen. Sam Okiding, arrived in Mogadishu today on an official...

NCA Hosts Universal Acceptance Day to Promote Digital Inclusion
English News

NCA Hosts Universal Acceptance Day to Promote Digital Inclusion

May 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Maalinta Aqbalaadda Caalamiga ah si loo Dhiirrigeliyo Ka-qaybgalka Dhijitaalka ee loo dhan yahay
Warar

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Maalinta Aqbalaadda Caalamiga ah si loo Dhiirrigeliyo Ka-qaybgalka Dhijitaalka ee loo dhan yahay

May 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Xasan Sheekh oo Khudbad Ka Jeediyay Shirka Jaamacadda Carabta ee Baqdaad
Warar

Xasan Sheekh oo Khudbad Ka Jeediyay Shirka Jaamacadda Carabta ee Baqdaad

May 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Uganda’s Deputy Army Chief Arrives in Mogadishu to Boost Military Cooperation Amid AUSSOM Security Challenges
English News

Uganda’s Deputy Army Chief Arrives in Mogadishu to Boost Military Cooperation Amid AUSSOM Security Challenges

May 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somali Ambassador Attends Inauguration of Garissa Cultural Festival in Kenya
English News

Somali Ambassador Attends Inauguration of Garissa Cultural Festival in Kenya

May 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Xal u Helidda Qaza oo Qodob Muhiim ah ka ah Shirka Jaamacadda Carabta oo ay somaliya ka qeyb galeyso
Caalamka

Xal u Helidda Qaza oo Qodob Muhiim ah ka ah Shirka Jaamacadda Carabta oo ay somaliya ka qeyb galeyso

May 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • NCA Hosts Universal Acceptance Day to Promote Digital Inclusion
  • Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Maalinta Aqbalaadda Caalamiga ah si loo Dhiirrigeliyo Ka-qaybgalka Dhijitaalka ee loo dhan yahay
  • Xasan Sheekh oo Khudbad Ka Jeediyay Shirka Jaamacadda Carabta ee Baqdaad
  • Uganda’s Deputy Army Chief Arrives in Mogadishu to Boost Military Cooperation Amid AUSSOM Security Challenges

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00