Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Maanta Shir-Guddoominayey Shirka Golaha Wasiirada Puntland,kaasi oo looga hadlay arrimo kala duwan.
Kulanka ayaa waxaa ka qeyb ka qeyb galay Madaxweyne ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo inta badan Golaha Wasiirada Puntland,isla markaana waxaa todobaadkan looga hadlay Xaaladda Amniga, Ansixinta Xeerka Howlgabka Shaqaalaha Puntland.
Sidoo kale Golaha Wasiirada ayaa ka hadlay Xaaladda degmada Caluula, Waddooyinkii ku Go’ay Roobabkii dhawaan halkaas ka da’ay,Amniga Garoomada iyo Warbixino kale.
Hoos ka Akhriso Qodobada Shirkaas oo faah-faahsan.