Madaxweynaha Puntland oo gaaray Magaalada Nairobi iyo kulamo socda

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdulaahi Deni iyo wafdi uu hogaaminayo oo Maanta ka ambabaxay Boosaaso ayaa gaaray Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya, iyadoo halkaas lagu soo dhaweeyay.

Safarka Madaxweyne Deni ee Kenya ayaa waxaa ku wehlinaya xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada, waxaana halkaas kusoo dhaweeyay Xildhibaano Baarlamaanka Soomaaliya oo halkaas ku sugan iyo xubno kale.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa durbo kulan la qaatay Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, iyagoona ka wada hadlay arrimo kala duwan oo ku aadan xaaladihii ugu dambeeyay ee Siyaasadda dalka iyo waxyaabo kale.

Sidoo kale inta uu ku sugan yahay Saciid Deni halkaas waxaa uu kulamo kale la qaadan doonaa Madax kala duwan oo ka tirsan dowladda Kenya.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in Madaxweyne Deni uu Nairobi kula kulmi doono xubno ka tirsan Beesha Caalamka, iyagoona ka wada hadli doona Arrimo la xiriira Amniga iyo Siyaasadda Soomaaliya, gaar ahaanna doorashada 2021-ka, dib u-eegista Dastuurka, Khilaafka Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media