Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar shaqo maalmahan ugu maqnaa Dalka Jabuuti ayaa dib ugu laabtay Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulkaas.
Madaxweyne Deni ayaa markii uu gaaray Garoonka diyaaradaha Gen Maxamed Abshir waxaa kusoo dhaweeyay ku-xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, Xildhibaano iyo Wasiio.
Madaxweynaha Puntland ayaa intii uu ku sugnaa Magaalada Jabuuti kulan la qaatay Madaxweynaha dalkaas Ismaaciil Cumar Geelle, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka Iskaashi ee Puntland iyo Jabuuti, sida dhinacyada Ganacsiga , maalgashiga iyo guud ahaan horumarka.
Sidoo kale waxaa Jabuuti Madaxweyne Deni kula kulmay Taliyaha Ciidanka Mareykanka ee qaaradda Afrika ee loo yaqaano AFRICOM, waxaana labada dhinac ay heshiis ku gaareen in AFRICOM ay Saldhig Milateri ka dhisato Magaalada Boosaaso.
Madaxweynaha Puntland ayaa qorsheynaya in saacadaha soo socda uu safar ugu ambabaxo Magaalada Dhuusamareeb si uu uga qeyb galo Shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa Maamul Goboleedyada dalka ee halkaas ka furmaya maalmaha soo socda.