Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa habeenkii xalay aheyd kulan la qaatay Guddiga Ku-meel-gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland.
Madaxweynaha oo warbixin ka dhegaystay Guddiga ayaa bogaadiyey shaqada wanaagsan ee u qabsoomtay, waxaana uu ku dhiirigeliyay in ay halkaasi kasii wadaan.
“Madaxweyne Deni waxaa ka go’an hirgelinta nidaamka xisbiyada badan oo hadda meel wanaagsan maraya, Xukuumaduna waa garab taagantahay Guddiga, iyadoo la illaalinayo madax banaanidooda” ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Puntland.
Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa labadii maalin ee lasoo dhaafay kulamo kala duwan la qaadanayay Golihiisa Wasiirada, Ururada Bulshada, Madaxda Ururada Siyaasadda, Aqoonyahanada iyo Waxgaradka Puntland.