Madaxweynaha oo ku baaqay in deg-deg gargaar loogu fidiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, hay’adaha gargaarka iyo beesha caalamka inay kaalmo deg-deg ah la soo gaaraan dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen.

“Biyo yaraan iyo abaaro baahsan ayaa goobo badan oo dalka ka mid ah ka jira. Xaaladdu waxaa laga yaabaa inay soo yara fiicnaato marka ay roobabka bilowdaan bisha soo socota ee April, balse inta ka horeysa waa in muhimadda koowaad iyo awoodda jirtaba la isugu geeyaa dadka tabaaleysan, iyadoo loo eegayo degaannada sida ay u kala daran yihiin’’.

Madaxweynaha waxaa uu sheegay in hay’adaha samafalka iyo dowladda ka sokow, shacabka Soomaaliyeed kuwooda wax haysta laga doonayo in ay u naxariistaan walaalahooda ay xaaladdan adag la soo gudboonaatey.

——————DHAMMAAD—————-

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya
Email: [email protected]
www.villasomalia.gov.so

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor