Madaxweynaha oo ka qeybgalaya Shir Madaxeed dhinaca amniga la xiriirra

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa gaarey magaalada Aqaba ee dalka Boqortooyada Urdun, halkaas oo uu kaga qeybgalayo shir madaxeed caalami ah oo ku saabsan iskaashiga dhinaca amniga.

Shirkan oo ay isugu imanayaan madaxda qaar ka mid ah waddamada Afrika iyo kuwa Carabta, ayaa lagu gorfeyn doonaa qaababka ugu habboon ee degdegga ah, ee dalalkan isaga kaashan karaan sugidda ammaankooda iyo kan caalamka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Aqaba ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Boqortooyada Urdun, waxaana la filayaa inuu sidoo kale kulamo la qaato, madaxda ka qeybgaleysa shirkan.

-DHAMMAAD-

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor