Madaxweynaha oo dib ugu soo laabtey magaalada Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dib ugu soo laabtey magaalada Muqdisho, kadib markii uu magaalada Garoowe ee xarunta Dowlad Goboleedka Puntland kaga soo qeybgaley shirkii labaad ee Madasha Wadatashiga ee madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada.

Shirkaasi oo ay ka soo qeybgaleen madaxda dowlad goboleedyada Puntland, Jubba iyo Koonfuur Galbeed Soomaaliya ayaa lagu gorfeeyay arrimo ay ka mid yihiin Hiigsiga 2016, Cahdiga cusub, dhismaha iyo isku dhafka ciidammada qaranka, qeybsiga kheyraadka iyo sidii xal loogu heli lahaa dhibaatada qaxootiga Soomaalida ee ku dhaqan Kenya, Yemen iyo dalalka kale ee caalamka.

Madaxda ayaa shirka kadib ka soo saarey war murtiyeed ka kooban dhowr qodob oo mustaqbalka Soomaaliya la xiriira.

Madaxweynaha oo socdaalkiisu uu qaatey muddo shan maalmood ah, ayaa waxaa garoonka diyaaradaka ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan labada gole.

-DHAMMAAD-

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: [email protected]

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor