Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xalay Xarunta Madaxtooyada casho sharaf ugu sameeyay taliyeyaasha qeybaha kala duwan ee Ciidammada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM u fadhiya Soomaaliya. Casho sharaftan ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeybgaley danjireyaasha waddamada Afrika, Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya , Francisco Caetano Jose Madeira, xubno ka tirsan labada gole, taliyeyaasha ciidammada Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale.\ Madaxweynaha oo hadal ka jeediyay kulanka ayaa sheegay in loo baahan yahay wadashaqeyn dhow iyo istaraatijiyad mid ah oo ay yeeshaan ciidammada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, xilligan doorashada la isku diyaarinayo, si looga hortago dhagarta cadowga doonaya inuu fashiliyo horumarka uu dalka ku tallaabsadey. Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Mr Madeira, oo isna halkaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay in kulankan lagu casuumay taliyeyaasha ciidammada AMISOM uu ka dhashey fikir uu hore u soo jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ahaa in la kobciyo wadashaqeynta iyo xiriirka AMISOM iyo Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya. ———————————DHAMMAAD————————— Daud Aweis |