Madaxweynaha Maamulka Puntland oo looga yeeray Itoobiya

War ay heshay Dalsan ayaa sheegaya in Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas uu dhawaan aadi doono Magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya kadib markii halkaasi looga yeeray.

Horay ayaa Madaxweyne Gaas uu u diidanaa tegitaanka Itoobiya balse wararka haatan soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan in ugu dambeyn lgu qanciyay in uu halkaasi tago.

Ujeedada safarka Madaxweyne Gaas ee Itoobiya ayaa lagu sheegay arrimo la xiriira dhanka amniga iyo xiisada deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool oo ay isku horfadhiyaan Ciidamada Puntland iyo kuwa Soomaaliland.

Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Michael Keating ayaa Maalin ka hor u gudbiyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in uu ku fashilmay xalinta xiisada u dhaxeysa Puntland iyo Soomaaliland.

Sikastaba Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas ayaa la filayaa in uu dhawaan u duulo dalka Itoobiya,waxaana horay halkaasi u tegay Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media