Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Maanta oo Axad ah waxaa lagu wadaa inuu soo gaaro Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, si uu uga qeyb galo Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo ka furmaya Muqdisho.
Shirkaan ayaa waxaa Madaxda dowlad Goboleedyada isugu yeeray Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana looga arrinsan doonaa arrimo dhowr ah oo kamid yihiin xaaladda abaaraha, amniga iyo siyaasadda dalka.
Madaxweyneyaasha maamulada sida Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe, Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa ku sugan ku sugan Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo shalay soo gaaray Magaalada.
Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa la filayaa in Maanta uu yimaado Muqdisho, si uu uga qeyb galo Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo lagu wado inuu furmo, Shirka ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb geli doona Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.
Shirkaan ayaa daba socdo kulankii fashilmay ee ay gudaha Muqdisho ku yeesheen Wasiirka maaliyadda dowladda dhexe iyo Wasiirada maaliyadda dowlad goboleedyada dalka, kaas oo ugu dambeyn lagu kala kacay, kadib markii Wasiirada ay heshiin waayeen.