Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle oo magacaabay Wasiiro cusub (Wareegto)

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa xilalkii ka qaaday Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda iyo Wasiir ku-xigeenka dib u Heshiisiinta iyo Nabadeynta Hirshabeelle.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa waxaa Faarax Cumar Cilmi Daahir loogu magacaabay inuu noqdo Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Maamulka Hirshabeelle.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa  waxa uu Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dib u Heshiisiinta iyo Nabadeynta u magacaabay Axmed Maxamed Cabdullaahi, waxaana labada Wasiir  la magacaabay, faray inay si toos ah u gutaan waajibaadkooda shaqo ee loo idmaday.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor

Leave a Reply