Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa markii ugu horeysay ka hadlay mowqifkiisa ku aadan Arrimaha Doorashada la filayo inay dalka ka dhacaan 2020/2021.
Madaxweyne lafta-gareen ayaa waxaa uu sheegay in dalka aysan ka dhicin karin doorasho qof iyo cod ah, taasi bedelka ay doorashada noqoto habkii hore ee madaxda loo soo dooran jiray.
Isaga oo la hadlaayay mid kamid Tv-yada Afka Soomaaliga ku baxa ayaa waxaa uu tilmaamay in la habeeyo nidaamkii la isku doortay sanadkii 2016, isla markaana la aado maamul Goboleedyada oo Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka lagu soo doorto halkaas.
“Ka maamul ahaan waxaa jeclaan lahaa doorashada inay u dhacdo inta dadka laga tirinayo oo Soomaali tiradeeda laga ogaanayo oo deegaanada ka xoroobayaan in la isku doorto 4.5 iyo in la aado maamul goboleedyada, nin walba uu deegaan doorashadiisa uu tago” ayuu yiri Madaxweye Lafta-gareen.
Dhinaca kale Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa waxaa uu xusay in aysan jirin qof Soomaali ah oo rabta muddo kororsi, hayeeshee loo baahan yahay in la isku doorto sidii 2016 oo kale lana qurxiyo nidaamkaas.
Si kastaba dad badan ayaa rumeysan in dalka Soomaaliya aysan ka dhici karin Doorasho qof iyo Cod ah marka la gaaro 2020/21, xili la sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu doonayo in doorashada ay noqoto nidaamka ah qof iyo Cod.