Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Xarunta Madaxtooyada ku-meel gaarka ee Magaalada Baydhabo ayaa waxaa uu ku qaabilay Wakiilka Hay’adda FCA ee Soomaaliya Ikali karvinen.
Ikali karvinen Wakiilka cusub ee Hay’aada FCA ee Soomaaliya iyo Xubnaha ku wehlinayey socdaalkiisa ayaa Madaxweynaha Warbixin ka siiyey socdaalkooda iyo Waxyaabihii uqabsoomay sanadihii lasoo dhaafay,
Wafdiga ka socday Hay’adda FCA ayaa waxaa ay tilmaameen in Koonfur Galbeed ay kala shaqeynayaan dhisida Gollaha Deegaanka Degmooyinka Koonfur Galbeed, Hormarinta Waxbarashada,Caafimaada iyo Daadejinta Adeegyada Dowlada.
Laftagareen ayaa u mahadceliyey Wakiilka Hay,adda FCA Ikali karvinen iyo Madaxda ku wehlinaysa Socdaalkiisa, waxaana uu xusay in ay bogaadinayaan shaqada wanaagsan ee Hay’adda ay ka wado deegaanada Koonfur Galbeed.
Madaxweynaha dowlad Goboleedka Soomaaliya Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa ka mahadceliyey dadaalka Hay’adda FCA ka wado deegaanada Koonfur Galbeed.