Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Goordhow gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug, iyadoo halkaas lagu soo dhaweeyay.
Safarka Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed lafta-gareen ayaa waxaa ku wehlinayay xubno ka tirsan maamulkiisa, waxaana Garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Galmudug Qoorqoor, Xildhibaano iyo Wasiiro.
Ujeedka Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee Dhuusamareeb ayaa waxaa uu yahay ka qeyb galka wejiga saddexaad ee Shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada ee halkaas ka furmaya.
Saacado kadib Madaxweynaha Jamhuuriyada Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa tegi doona Caasimadda Galmudug, isagoo halkaas uga qeyb galaya Shirka Madaxda.
Sidoo kale Madaxweyneyaasha maamulada Hirshabeelle, Jubbaland iyo Puntland ayaa ku wajahan Magaalada Dhuusamareeb, waxaana halkaas ka socda diyaar garoow ku aadan soo dhaweyntooda.
Wejiga saddexaad ee Shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada ayaa Maanta oo sabti ah lagu waday inuu furmayo, hayeeshee dib u dhac ayaa ku yimid, kadib markii halkaas ay tegi waayeen Madaxdii ka qeyb geli laheyd.