Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Baydhabo ee Xarunta ku meel gaarka uah Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Cabdi Casiis Xasan Mxaamed Laftagareen ayaa Safar shaqo ugu Maqnaa Dalka Nigeria gaar ahaan Maamul Goboleedka Kaduna ee dalkaasi, waxaana safarkiisu uu qaatay maalmo.
Magaalada Baydhaba ayaa si weyn loogu soodhaweeyay Laftagareen iyo wafdiga la socaday, waxaana soodhaweyntiisa ka qayb qaatay qaybaha kaal duwan ee Bulshada Maamulkaasi, waxaana qayb ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan Maamulkaasi, kuwaasi oo garoonka kusoo dhaweeyay Madaxweynaha.
Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa dalka Nigeria ku tagay casuumaad uu ka helay Madaxweynaha ismaamulka Kaduna, waxana uu uu halkaasi kula qaatay kulamo is afgarad ah oo ku saabsan,Wadashaqayn,Iskaashi iyo Mataaneyn Labada Dowlad Goboleed.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa waxaa la filayaa in toddbaadkan uu uga warbixiyo golihiisa Wasiiradda socdaalkii uu ku tagay dalka Nigeria iyo waxii ugu soo qabsoomay.