Madaxweyne Uhuru Muigai Kenyatta ayaa hadalkaasi ku sheegay Munaasabadda 52-guuraddii ka soo wareegtay Maalinta xorriyadda ee dalkaasi oo shalay lagu qabtay magaalladda Nairobi.
Waxa uu ugu baaqay Beesha Caalamka inay aqoonsadaan Khatarta Kooxha uu ugu yeeray Argagixisadda, wuxuuna codsaday inay ku sii biiraan, isla markaana taageero ka geystaan Dagaalka ay Dowladda Kenya kula jiraan Alshabaab.
Madaxweyne Uhuru Muigai Kenyatta oo Xilligiisa Koowaad ee Madaxtinimadda dalkaasi haya ayaa waxa uu la kulmay deganaansho la’aan ay sababeen Dagaalamayaasha Alshabaab, iyadoo in ka badan 600 qof lagu dilay gudaha Kenya afartii sanno ee la soo dhaafay.
Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa ka soo horjeeda TallaabaddiI ay Ciiddanka Kenya ku soo galeen Goballadda Jubbooyinka, EE ay Alshabaab kala wareegeen magaallooyin iyo Degmooyin muhiim ah oo ku yaalla J/hoose iyo J/dhexe.
Dhinaca kale, Shalay ayey ahayd markii uu Taliyaha Kenyaanka ee madaxda ka ah Hawlgalka AMISOM, Jeneral Jonathan Rono ku baaqay inay dadka Deegaanka taageero ka siiyaan Ciiddanka AMISOM sidii loo soo af-jari lahaa Dagaalka lagu jiro Alshabaab.
Jeneral Jonathan Rono ayaa hadalkaasi sheegay mar uu kulan la yeeshay Taliyaha Ciiddanka Ethiopia ee Qeybta Saddexaad ee Goballadda Bay, Bakool iyo Gedo, Kolonel Yemane Gabre Mikael iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Hawlgalka AMISOM.
© Radio Dalsan