Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa maanta ku soo wajahan magaalada Muqdisho isaga oo Kismaayo ka soo ambabaxaya saacadaha soo socda sida ay xaqiijiyeen ilo ku dhow Xafiiska Madaxweynaha Jubbaland.
Ujeeda safarka uu ku imaanayo Magaalada Muqdisho ayaa la xiriirta dhamaystirka wadahadalada u dhaxeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland oo ka mid ah maamul-gobaleedyadii xiriirka u jaray dowladda dhexe.
Axmed Maxamed Islaam ayaa horay waxa uu u sheegay in la xaliyay qeyb ka mid ah khilaafkii kala dhaxeeyay dowladda halka inta kalena lagu dhamaystirayo kulan uu la yeelan doona Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo oo uu sheegay in uu ugu tegayo Muqdisho.