Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland ย Axmed Maxamed Islaam ayaa goordhow oo galabta ah dib ugu laabtay Magaalada Kismaayo kadib Safar shaqo oo la xiriira hirgalinta hanaanka Doorashada dalka oo uu mudo bil ah u joogay Magaalada Muqdisho.
Axmed Madoobe ayaa si weyn loogu soo dhaweyay Kismaayo, waxaana dhawanahaan uu ku sugnaaa Magaalada muqdisho ee Caasimimadda Soomaaliya, iyadoo intii Muqdisho joogay Axmed Madoobe uu kalamo kala duwan la yeeshay Madaxda Dowladda iyo masโuuliyiin ka tirsan Xisbiyada Mucaaradka.
Labada Madaxweyne ku xigeen, Gudoonka Baarlamaanka iyo Masuuliyiin kala duwan ayaa Madaxweynaha kusoo dhaweeyay garoonka Diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdille Xasan ee Magaalada Kismaayo.