Madaxweynaha Jubbaland iyo Guddoomiyaha G/Banaadir oo kulan yeeshay

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa hoyga uu ka dagan yahay Magaalada Muqdisho ku qaabilay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Finish.

Kulanka dhexmaray Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Guddoomiyaha Gobolka ayaa waxaa looga hadlay arrimo kala duwan oo ku aadan xaaladda siyaasadeed ee dalka, horumaradii ugu dambeeyay ee Gobolka Banaadir iyo marxalada kala guurka ah.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa Duqa Muqdisho uga mahadceliyay sida wanaagsan ee uu uga qeyb ahaa shirkii wadatashiga ee dhawaan Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada ay heshiiska uga gaareen Arrimaha doorashooyinka dalka.

Axmed Madoobe iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa weli ku sugan Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka, waxaana Madaxweynaha uu kulamo kala duwan uu la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, siyaasiyiin iyo xubno kale oo farabadan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media