Madaxweynaha Jabuuti oo Muqdisho kusoo wajahan iyo Waddooyinka Muqdisho oo xiran

Waxaa saaka xiran isku socodka guud ee qaar ka mid ah waddooyinka Muqdisho, waxaana saacadaha soo aaddan la filayaa in Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ay soo gaaraan Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Dalka Jabuuti iyo masuuliyiin kale.

Ammaanka guud ayaa la dkeeyay, waxaana xiranw addooyinak ugu waa weyn ee magaalada Muqdisho, sidoo kale garoonka diyaaradaha ayaa la xiray.

Madaxweynaha Jabuuti Cusmaaciil Cumar Geelle iyo wafdigiisa ayaa goordhaw soo gaaraya magaalada Muqdisho,waxaana soo dhaweynaya madaxweyaha Soomaaliya Xasan Sheekh.

Sidoo kale waxaa Muqdisho soo gaaraya Madaxweynaha Dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Cagjar iyo Aadan Barre Ducaale, waxaana Masuuliyiintaan ay ka qayb gali donaan xarig jarka xarunta Akadeemiyada Afka Soomaaliga oo uu dhagax dhigay 2015-kii.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor