Madaxweynaha Jabuuti iyo Ergayga QM ee Somalia oo ka wada hadlay Nidaamka Doorashadda ee Somalia.

Madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle waxa uu Kulan Khaas ah la yeeshay Ergayga Gaarka ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, Michael Keating.

Hadal Qoraal oo la soo saaray Kulankooda kadib, waxay Labada Mas’uul ka wada xaajoodeen arrimo ku saabsan Doorashooyinka la filayo in Somalia lagu qabto dabayaaqadda ee sannadkan iyo Nidaamka Istaraatijiyadda cusub ee lagu xoojinayo Tayeynta ciiddanka AMISOM.

Waxay kaloo ka wada hadleen  micnaha Xoojinta Hay’addaha Dowladda, Loojistikadda iyo Awoodda Hawgalladda ee Ciiddanka Qaranka iyo Boliska Somalia.

Michael Keating.Dhinaca kale, Ergayga Gaarka ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, Michael Keating oo Saxaafadda la hadlay, markii uu la kulmay Madaxweynaha dalka Jabuuti waxa uu Dowladda Jabuuti ku ammaanay doorka ay Dowladda Jabuuti ka qaataan Nabadaynta Somalia.

“Jabuuti waxay had iyo jeer taageero muhiim ah ka geystaan Dadaalka loogu jiro Deganaanshaha Somalia” ayuu yiri Michael Keating.
Tan iyo sannadkii 2011-kii, Jabuuti waxay ka mid ahayd Dowladaha Ciiddamada u soo diray Somalia, iyadoo 2,000 oo Askar Jabuutiyaan ah saldhig ku leeyihiin Bartamaha Somalia, gaar ahaan Gobalka Hiiraan.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor