Madaxweynaha Hirshabeelle oo gaaray Baydhabo iyo Ujeedka safarkiisa

Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Mdaxweyne Waare iyo Wafdigiisa ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha Baydhabo ee Shaati Gaduud Airpor kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo mas’uuliyiin kale.

Ujeedka Safarka Madaxweynaha Hirshabeelle ee Baydhabo waxaa ay tahay ka qeyb galka  shirweyn Maalinta berri oo talaado ah ka furmaya Magaalada Beydhabo.

Shirka ka furmaya halkaas ayaa inta uu socdo waxaa looga hadli doonaa arrimo ay ka mid yihiin fatahaadaha Wabiga Shabelle iyo horumarinta Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Hirshabeelle.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media