Wafdi sare oo Maanta gaaray Baladweyne iyo soo dhaweyn loo sameeyay

Wafdigaan oo ka socday hay’adada Caafimaadka aduunka qeybna ka ahaayeen howladeeno ka tirsan wasarada caafimaadka dowlada federaalka ayaa soo gaaray magaalada beledweyne.

Wafdigaan ayaa waxaa xarunta maamulka ee Gobolka Hiiraan kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Muxumad Caraalle iyagoo u sheegay in ay beledweyne u yimaadeen in ay eegaan xaalada caafimaad ee gobolka.

Wafdiga ayaa waxaa ay kormeer ku sameeyeen isbitalka guud ee Gobolka Hiiraan ee beledweyne iyagoo eegay qalab ahaan dawo ahaan iyo xaalada guud ee Isbitalka maadaamaa isbitalka siweyn u saameeyeen fatahaadii wabiga shabelle.

Sidoo kale Gdaha isbitalka ayaa kulan saacado qaatay ku yeesheen wafdiga iyo madaxda Caafimaadka ee Hirshabelle iyo dhaqaatiirta isbitalka, iyagoona ka wada hadlay Arrimo kala duwan.

 

Comments
Loading...