Madaxweynaha Hirshabeelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa Maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Madeira iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka AMISOM.
Sidoo kale labada dhinac ayaa ka wada hadlay arrimaha Ammaanka Deegaannada Hirshabeelle iyo Qorshaha Xoreynta, furista Wadooyinka ay go’doomiyeen Al-shabaab iyo sidii AMISOM uga qeyb qaadan laheyd fulinta Howlgalada lagu xaqiijinayo ammaanka deegaannada Hirshabelle.
Kulanka Madaxweynaha waxaa Ku wehlinayay Agaasimaha Guud Madaxtooyada Dowladda Hirshabelle Ambassador C.qaadir Xooshow, Guddoomiye Gobolka Hiiraan Cali Muxumed Caraale, iyo Xubno kale oo ka tirsan Madaxtooyada Hirshabelle.