Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta dib ugu laabtay Magalada Jowhar oo ah Xarunta Maamulka Hir-Shabeelle.
Madaxweyne waare ayaa waxaa xalay mooshin kalsooni noqosho ah ka gudbiyey ku dhawaad 60 ka mid ah Xildhibaanada Maamulka Hir–Shabeelle,iyaga oo ku eedeynayay xil gudasho la’aan.
Safarka Madaxweyne waare oo ahaa mid deg deg ah ayaa waxaa ku wehlinayay Guddoomiyaha Gobolka shabeellaha dhexe iyo xildhibaano waxaana soo dhaweeyey Madaxweyne ku xigeenka Hir-Shabeelle iyo labada guddoomiye ku xigeen ee Baarlamaanka Hir-Shabeelle.
Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ayaa waxaa haatan ku furmay mowjado Siyaasadeed tan iyo markii uu ka soo laabtay Shirkii madasha Golaha Iskaashiga dowlad Goboleedyada ee Magalada Kismaayo,walow uu sheegay inay dowladda ka heshiiyeen tabashadii uu ka qabay.
Saacadaha soo socdo ayaa la filayaa in uu kulamo gaar gaar ah la yeesho xildhibaanada Hir-Shabeelle sigaar ah xildhibaanadii mooshimka ka gudbiyay.