Taliyaha Nabad-Sugida Soomaaliya oo gaaray Baydhabo iyo ujeedka oo la shaaciyay

Magaalada Baydhabo oo Xarun KMG u maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa galabta gaaray wafdi uu hogaaminayo Taliyaha Ciidanka Hay’ada Nabadsuggida iyo Sirdoonka Qaranka Xuseen Cismaan Xuseen,iyadoo halkaasi si weyn  loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga uu la socday Taliyaha Hay’ada Nabad suggida ayaa waxaa qeyb ka ah Mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Soomaaliya,waxaana Garoonka diyaaradaha Baydhabo ku soo dhaweyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo xubno kale.

Taliyaha Ciidanka Hay’ada Nabad Soomaaliya Xuseen Cismaan Xuseen ayaa waxaa lagu wadaa in Baydhabo uu kula kulmo Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo shalay Xukuumadda Soomaaliya ay sheegtay in uusan u tartami karin Madaxweynenimada Maamulka Koonfur Galbeed.

Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa weli ku guda jira ololihiisa doorashada,waxaana mid ka mid ah hotelada ku yaalla Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay uu kula kulmay taageerayaashiisa

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor