Madaxweynaha Dowlad gobaleedka Galmudug Ahmed Cabdi Kaariye Qoor qoor ayaa xalay magaalada Garoowe kulan kula qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada isaga oo tegay goobo lagu caweeyo.
Xubna ka mid ah Golaha Wasiirada, Barlamanka Dowladda Federaalka iyo madaxweynaha Putland oo ku sugan goobta ayuu Madaxweynuhu halkaas ku salaamay.
Madaxweyna Galmudug ayaa bulshada uu la kulmay waxa uu uga xog waramay xaaladda dalka iyo sida bulshadu ay qeyb uga qaadan karaan dib u dhiska dalka iyaga oo doorkooda wanaagsan muujinaya.
Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor waxa uu ka mid yahay masuuliyiin u tegay magaalada Garoowe aaskii qaran ee loo sameeyay allaha u naxariistee ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax.