Madaxweynaha Galmudug oo magacaabay Guddoomiye Maxkamad Degmo (Wareegto)

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Wareegto uu soo saaray Madaxweyne Axmed Qoorqoor ayaa waxaa xilka Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Guriceel loogu magacaabay Xasan Cabdullaahi Cali, waxaana magacaabistiisa lagala tashay Madxweyne ku-xigeenka Galmudug.

Maamulka degmada Guriceel iyo laamaha kala duwan ee ammaanka degmadaas ayaa laga dalbaday inay la shaqeeyaan Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Guriceel, si loo dardar-geliyo howlaha adeega Garsoorka oo ay u baahan yihiin dadka deegaanka.

Hoos ka Akhriso wareegtada magacaabista Guddoomiyaha Maxkamadda Guriceel

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor