Madaxweynaha Galmudug oo La kulmay Wakiilka QM ee Arrimaha Soomaaliya

Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf ayaa maanta la kulmay Wakiilka QM ee Soomaaliya Michael Keating,Kulanka ayaa ka dhacay xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Xaaf ayaa Keating kala hadlay sidii ay u taageeri lahaayeen maamulka Galmudug,waxaana Keating uu soo dhoweeyay Madaxweyne Xaaf Guushii uu ka gaaray Doorashadii ka dhacday Magaalada Cadaado.

Axmed Ducaale Geele Xaaf ayaa kusoo baxay doorashadii 3-bishan May ka dhacday Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG ee Galmudug,waxaana Jimcihii uu soo gaaray Magaalada Muqdisho isaga oo sheegay in uu u yimid la kulanka Mas,uuliyiin kala duwan iyo ka qeyb galka Shirka London.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media