Madaxweynaha Galmudug oo Kulan kula qaatay magaalada Muqdishu  Safiir

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi kaariye ayaa magaalada Muqdishu Kulan kula qaatay Safiirka Sweden u fadhiya Soomaaliya mr. Staffan. Wuxuuna uga warbixiyay waxyaabihii u qabsoomay Galmudugta cusub gaar ahaan arrimaha dib uheshiisiinta, amniga iyo horumarinta dhaqaalaha.

Safiirka ayaa soo dhaweeyay waxqabadka Galmudug mudadii ay dhisneed.

Madaxweynaha ayaana uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee Dowladda Sweden la garab taagantahay Galmudug iyo Soomaaliyaba.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa wali ku sugan Magaalada Muqdisho oo uu kaga qayb galayo shirka u dhexeeya Madaxweyne Farmaajo iyo madaxda dowlad Goboleedyada.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media