Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmuudg ayaa lagu wadaa in saacadaha soo aadan uu soo gaaro Madaxweynaha dowlad Gobolleedka Galmudug Axmad Ducaale_Geelle Xaaf,waxana Magalada laga dareemayaa qaban qaabada soo dhaweyntiisa.
Amniga Magaalada Dhuusamareeb ayaa aad loo dkeeyay,waxana Magaalada lagu arkayaa Ciidamada Galmudug kuwaas oo siweyn u xaqiijinaya Amniga Magaalada ilaa Garoonka Diyaaradaha Dhuuamareeb.
Kolonyo gaadiidka ciidamada ah oo isugu jira kheybaha kala duwan ee talisyada amaanka ayaa ku sugan wadooyinka waaweyn iyo garoonka diyaaradaha
Bulsahda qeybaheeda kala duwan ayaa haatan qaarkood ku sugan Garoonka halka kuwo kale ay ku sugayaan Magaalada dhexdeeda.
Ujeedada Imaatinka Madaxweyne Xaaf ee caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa ah mid muhiim ah waxa uuna dhameystir u noqon doonaaa amba qaadida fulinta heshiiskii Galmudug iyo Ahlusuna.