Madaxweynaha Galmudug oo gaaray Magaalada Gaalkacyo

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, iyadoo halkaas lagu soo dhaweeyay.

Socdaalka Qoorqoor ee Gaalkacyo ayaa waxaa ku wehlinayay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug iyo xubno kale, waxaana halkaas kusoo dhaweeyay Maamulka Degmada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Ujeedka Madaxweynaha Galmudug ayaa waxaa uu yahay sidii uu tababar ugu soo xiri lahaa Ciidamo ka tirsan Daraawiishta Galmudug oo tababar muddo socday ku qaatay Dugsiga Ciidamada ee Indha-qaris.

Sidoo kale inta uu ku sugan yahay Gaalkacyo ayaa waxaa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa Maamulka Magaalada, Saraakiisha Ciidanka iyo qeybaha kala duwan, isagoo kala hadli doona Arrimo dhowr ah.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maalin kahor socdaal ku tegay Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, isagoo halkaas u tegay Arrimo la xiriira Golaha deegaanka Magaaladaas.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media